Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarada Ethiopian Airlines oo 20-sano kadib u duushay Asmara (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Adis Ababa ka duushay Diyaarad rakaab ay leedahay Shirkada Ethiopian Airlines , waxa ayna Diyaaradan kusii jeedaa magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Diyaaradan ayaa ka qaaday magaalada Adis Ababa rakaab gaaraya 456-ruux, waxaana dadka diyaarada saaran la sheegay in ay ku jiraan siyaasiyiin iyo dad caan ah uu ku jiro Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya  Hailemariam Desalegn.

Rakaabka diyaarada u duushay Asmara saaran waxaa ku jira dad 20-sano kahor ugu dambeysay dalka Eritrea ay kasoo jeedaan, waxaana dadkan wajiyadooda ka muuqaay dareen farxadeed.

Dowladaha Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaadii mudo 20-sano u dhaxeysay, waxa ayna labada dowladooda waxyaabaha ay ku heshiiyeen ku jira in dib loo bilaabo duulimaadka tooska ah ee labada wadan iyo in dib loo furo safaaradaha labada wadan.

Duulimaadka diyaaradan maanta ku aaday dalka Eritrea ayaa noqonaya kii ugu horeeyay 20-sano kadib, waxaana arintan si weyn ugu faraxsan una soo dhaweeyay shucuubta labada wadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Masuul ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo goor dhow la dilay

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u jeediyey ardayda Jaamacadaha Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---