Dagaal culus ayaa oo shalay oo arbaco aheyd bilowday ayaa ka socda degaano ku teedsan xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Al-shabaab ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen laba degaan oo ku yaalla xuduuda Itoobiya
Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay Deegaanka Soomaalida in ka badan 70Km, ka dib dagaallo tan iyo shalay ka socday xuduudda DDS iyo Maamulka koonfur-galbeed oo u dhexeeyey Liyuu Booliiska DDS iyo Al-Shabaab.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milateriga Itoobiya ay dagaalka ku biireen ayna go’doomiyeen xoogaga Al-shabaab ee ka talaabay xadka.
Ilaa iyo 16 gaadiidka dagaal ah oo ay wataan al-Shabaab ayaa gudaha u galay Dawlad Deegaanka Soomaalida. Waxaa loo badinayaa inay hadda ku sugan yihiin miyiga degmada Hargeelle.
Dagaalka xooggaga Alshabaab ay ku qaadeen deggaanada Gobolka Bakool ee xuduuda Itoobiya ku yaalla ayaa la soo werinayaa inuu intii hore ka baaxad weyn yahay.
Tirada ciidanka ay Alshabaab geliyeen dagaalkaasi iyo khasaaraha dhacayna wuxuu u muuqdaa in Shabaab ay mudo dheer ka shaqaynayeen weerarkan.
Mas’uuliyiinta Dowlad Degaanka ayaan ilaa hadda ka hadlin wixii dhacay. Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliyana war lagama hayo.
Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, waxayna xuseen iney dileen ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidanka Liyu Boolis, ayna qabsadeen fariisimihii ciidankaas ku lahaayeen degaano uu ka mid yahay Yeed iyo kuwo la deris ah, hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya warkaas.
Dagaalada dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay dad boqolaal gaaraya oo labada dhinac u badan, waxaana aad u adag in warar laga helo degaanadaas isgaarsiinta oo go’an awgeed.