Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Al-shabaab oo sheegatay iney ku dhowaad 100 askari ka dileen Liyu Boolis

Al-shabaab ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaal culus oo ilaa shalay ka socday degaano ku yaalla xadka gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya kaasoo ay la galeen ciidanka Liyuu Boolis.

Baraha Internetka ee ku hadla codka Al-Shabaab ayaa faafiyey sawirada dagaaladii gelinkii dambe ee shaley lagu qaaday xeryaha ciidamada Liyu Boolis ku lahaayeen degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xad kala qeybiya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ka furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay maxaabiis dagaal oo ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen kuwaasoo ka tirsan ciidanka Liyu Boolis.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaan illaa hadda war rasmi ah ka soo saarin dagaalka ay ciidanka Liyu Boolisku la galeen Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Nin dad ku laayey Masaajid ku yaalla Canada oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor-qoor oo kulan la qaatay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga Isra’il ee Buurta Hermon

Cabdi Cade
Taboola Ads ---