Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hub (Sawirro)

Guutada 16-aad ee ciidanka Kumandoska XDS ayaa hawlgal ka sameeyey degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Howlgalkan ayaa la sheegay in laga sameeyey degaanka Madaxgise ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanku waxay ku soo qabteen saddex ka mid ah Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo si dhumaalaysi ah ugu dhuumanayey Dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidamada Danab.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay iney  soo qabteen labo qori oo nooca Ak-47 oo isticmaalayeen Al-shabaab sida uu Warbaahinta ciidamada qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 7aad Guutada 16-aad ee Ciidanka kumaandooska Danab XDS Laba Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib).

Ciidamada Danab ee xoogga dalka oo uu tababaray Mareykanka ayaa gobolada dalka qaarkood ka wada howlgalo ay ku ugaarsanayaan xoogaga Al-shabaab.

Related posts

Dowladda oo dabagal ku heysa Saraakiil ciidan oo kooxda Al Shabaab la…

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalku galay (Sababta)

Caydiid Ali

Rabshado lagu dilay askar Israeli ah iyo dad Falastiiniyiin ah oo ka dhacay Qudus (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---