Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Hirshabelle oo shaaciyey qiimeynta hantida ku burburtay qaraxii Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu Wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha ayaa maanta warbixin looga dhageystay Guddiga Gurmadka Qaraxii 17-ka July ee ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoo soo bandhigay macluumaad ay ka uruuriyeen baaxada iyo saameynta qasaaraha uu geeystay qaraxaas.

Gudiga ayaa Madaxweynaha iyo Xubnaha Golaha la wadaagay in guryo iyo hanti badan oo dhextiilay guryahaas ay ku baaba’een qaraxaasi ay argagixisadu gaysteen waxaana ay sheegeen in hantida burburtay oo ay diiwaangaliyeen ay ku qiimeeyeen ku dhowaad Laba milyan iyo bar oo dollar ($2,500,000).

Madaxweynaha ayaa warbixinta xaaladaha guud ee abaaraha ka dhageystay Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay dukumenteri muuqaal ah oo ay kasoo diyaarisay baaxada abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyo sida ay u saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha iyo Golihisa ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaaaalaha ka dhageystay barnaamijka istaraatiijiyada kordhinta dakhliga Dowladda Hirshabeelle.

Related posts

Wariye ka howlgalayay Telefishin kuyaalla magaalada London oo toorey lala dhacay

Cabdi Cade

Daawo:-Liiska Xubnaha Wasiirada cusub oo loo gudbiyay RW Rooble & cabsi laga qabo..

admin

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---