Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Tanzaaniya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo waxsoosaarka dalkeenna.

Related posts

Khayre oo amar ka soo saaray xil ka qaadista agaasimeyaasha Wasaaradaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo War cusub kasoo saartay arimaha Xajka ee sanadkan

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL

Cabdi Cade
Taboola Ads ---