Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney lagu helay in ay katirsaneyd Al Shabaab oo lagu riday Xukun Adag

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday haweeney lagu helay in ay katirsaneyd Al Shabaab , taas oo ciidamada amniga kasoo xireen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ku heshay in ay katirsaneed Al Shabaab ,waxaana haweeneydan la sheegay in kamid noqoshada Al Shabaab uu ku tashkiiliyay nin ay horey u kala tageen.

Deeqo Maxamed Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Argagixisada gurigiisa oo ay daris ahaayeen, waxa ay Qoyska reerka ka shakiyeen sida ay u leedahay dhaqan gaar ah oo ka baxsan dareenka reerka maalintaasi ay qabeen, Ciidamada Amniga oo baaray Deeqo gurigeeda ayaa ka soo helay BamGacmeed iyo Bistoolad wadato Todobo rasaas ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Deeqo ayaa laga Ogolaaday billowgii Bishan July ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Deeqo kaalintii ay ku lahayd Askari lagu Dilay Kaaraan iyo Sida ay Warbixinta Dilka kadib ula wadaagtay Horjoogaheeii Argagixisada ay wakiilka uga ahayd Kaaraan.

Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Deeqo oo ah hooyo Afar Caruur ah u dhashay Cabdullaahi Xasan Yusuf oo isna Alshabaab ka tirsan balse ay kala tageen 2018-kii.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xusay in ay Deeqo racfaan ka qaadan karto xukunka lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnihii ka haray Guddigii doorashada K/Galbeed oo War yaab leh soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamse oo ku baxay xalinta Khilaaf hareeyey Mid ka mid ah Wasaaradaha Dowlada

Caydiid Ali

Wararkii ugu Dambeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabelle iyo Xildhibaanadii kasoo horjeeday Wasiirada  oo…

admin
Taboola Ads ---