Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Turkiga oo Duqeyn ku dilay dad Dalxiisayaal ah iyo Carro ka dhalatay

Ciidamada Turkiga ayaa lagu eedeeyay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ku qaadeen  deegaan katirsan gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, ku dileen dad badan oo shacab ah oo dalxiis ku joogay deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay duqeynta ciidamada Turkiga ka geesteen dalka Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof halka ay ku dhaawacmeen 33-qof oo kale , waxaana dadkan dhintay dhammaan la sheegay in ay ahaayeem dad shacabka.

Warbaahinta dalka Ciraaq gaar ahaan telefishinka dalkaasi ayaa baahiyay in duqeynta lagu garaacay goob dalxiis oo kutaalla magaalada Zakho, waxaana halkaasi ku dhintay dad goobtaasi u tagay dalxiis.

Madaxa maamulka Zakho, ayaa sheegay in dadka dalxiisayaasha ah ee duqeynta ku dhintay ahaayeen Carabta Ciraaq oo ka yimid bartaha iyo koonfurta dalka Ciraaq,waxa uuna xusay in dadka dhintay ku jireen caruur iyo haween.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntan Turkiga ka fuliyeen gudaha Ciraaq, waxa uuna weerarkaasi ku tilmaamay  mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Weerarkan Turkiga ka fuliyay gudaha dalka Ciraaq gaar ahaan deegaanada Kurdiga ayaa dhaliyay carro xoogan, waxaana dadka Ciraaq ku baaqeen in dowladda jawaab ka bixiso weerarkaasi lana xisaabtanto dowladda Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Hoggaaminaya Wadahadalka Sacuudiga uga furmaya Dhinacyada isku haya Sudan?

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusomareeb si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo Tijaabiyay Hub nuuciisa aan horey loo arkin iyo dowlado walaac ka muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---