Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Federaalka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo  gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowladda Galmudug.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo ay safarka ku wehlinaysay madaxa barnaamijka baxnaano ayaa u kuur galayay xaaladda guud ee dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada Galmudug iyo kuwa ay abaaruhu saameeyeen, si looga faa’iideeyo barnaamijka Baxnaano oo ah barnaamij looga faa’iideenayo dadka danyarta ah.

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Galmudug, oo warbixin buuxda la wadaagay madaxweynaha Galmudug, waxaana wafdiga Wasiirka shaqada ee heer federaal oo kaashanaya wasaaradda shaqada ee Galmudug ay booqan doonaan deegaanada Galmudug si ay ugu kuur galaan dadka danyarta ee mudan in looga faa’iideeyo barnaamijka Baxnaano.

Related posts

Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo Odayaal gacan ka geestay

Cabdi Cade

Xoogsato ka shaqeysta kaawada oo dil iyo dhaawac loogu geystay gobolka Woqooyi bari Kenya

Caydiid Ali

Ganacsade saakay lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

admin
Taboola Ads ---