Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalo qaraar oo dhexmaray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu Boolis

Dagaalo qaraar oo geystay ballaaran oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay degaano ku yaalla xadka gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida kaasoo dhexmaray Al-shababa iyo ciidanka Liyu Boolis

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weeraro xooggan ku qaadeen degaanada Yeed, Aato iyo Washaaqo oo dhamaan ku yaalla Bakool kaabigana u saaran xadka Itoobiya halkaasoo ay joogeen ciidanka Liyuu Boolis ee degaanka Soomaalida.

Dagaalka oo socday saacado fara badan ayaa waxaa ka dhashay khasaare aan tirakoob laheyn oo kala gaaray labada dhinac iyo shacabka degaanadaasi.

Sida wararku sheegayaan degmada Yeed waxaaa gacanta ku haya Al-Shabaab. hase ahaatee degaanada Aato iyo Washaaqo ayey dib uga baxeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada Godgod oo ka tirsan dowlad Deegaanka Soomaalida iyadoo tuuladda lagu magacaabo Siifaan uu dagaal ka dhacay.

Isgaarsiinta degaanadaas ayaa go’an. Waaxaana adag in warar badan la hello, waxaana jira warar si weyn isku soo taraya oo sheegaya in meydadka boqolaal ka tirsan labada dhinac ay daadsan yihiin degaanadii lagu dagaalamay.

Related posts

(Sawirro) DF oo ciidamo hor leh ka duulisay Muqdisho & Xog ku aadan halka ay ku sii jeedaan

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyyaad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Akhriso) Maamulka Puntland oo amaro culus ka soo saaray amniga Magaalada Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---