Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Kenya oo tababar u xirtay Geel ka qeyb qaadanaya dagaalanka Al-Shabaab

Kenya ayaa ilaa 200 oo neef oo geel ah tababartay kuwaasoo loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin howlgal rasmi ah oo ka dhan ah xoogaga Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Somalia.

Geella ayaa la sheegay in loo tababaray miinooyinka iyo walxaha qarxa kaddibna ogaysiiyaan askariga la socda.

Dhowaan ayaa Geelan dhoollatus awoodooda lagu soo bandhigay waxaa lagu qabtay degmada Isiolo  markii Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay jirto kooxda Camel Calvary Team, oo ah nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka booliiska oo awal ahaa eeyo iyo fardo kaliya

Waxaa lagu tababaray Geellan meelo kala duwan oo kala joog sarreeya, sidoo kale dhulka qallalan ayaa lagu tababaray, si ay ula qabsadaan xaalad kasta oo soo wajahda

Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha ayaa ka mid ah goobaha ay ka howlgeli doonaan Geellan sida ay saraakiishu sheegeen.

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacay weerarro loo adeegsaday walxaha qarxa, iyadoo ay Kenya uga dhinteen booliis ka badan ilaa 100 askari iyo shacab aan tiro laheyn, mana cadda waxa geellan la tababaray ay ka bedeli karaan qaraxyada soo laalaabta.

Related posts

Hooyo Xaflad ay aadeesay Sabab u noqday Geerida Wiilkeeda iyo Carro ka dhalatay !

Cabdi Cade

Gaari Xamuul oo laga helay meydadka Tahriibayaal badan oo kusii jeeday Yurub (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoys mudo lix Sano ah kunoolaa Isbitaal iyo Sabab layaab leh oo keentay !(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---