Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday Maxamed Aadan Gaduudow

Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” ayaa loo soo xeray Dilka Allah U naxariiste Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April Sanadkan.

Galab, Bishii Ramadaan ee ina dhaaftay ayuu marxuumka u dhintay Xabad uu si kas ah ugu Dilay Gaduudow Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan ka dib Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Related posts

Hooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade

Koox Yurub ka dhisan oo Taangi dagaal hordhigtay Garoonkeeda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rag badan oo ku jiray Xero Milatari oo Sharcidarro ah oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---