Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Deni oo la caweeyey Ciyaartoy ka kala timid Muqdisho & Mareykanka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Kooxaha Kubadda Kolayga ee kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Puntland kuwaasoo Garoowe ku wada ciyaaray Koob kubadda Kolayga ah.

Deni ayaa dhiirrigelin heerkeedu sarreeyo u sameeyay Ciyaartooyda, oo uu kusoo dhoweeyay Madaxtooyada isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda in ay sii laba jibaaraan, maadaama ciyaarahu muhiimad gaar ah u leeyihiin kor u qaadista is dhexgalka Bulshada, nabadgelyada iyo horumarka.

Ciyaartooyda ayaa fursad loo siiyey in ay booqdaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiisyada kale, Hoolalka Shirarka, xarumaha qaabilaada iyo qeybaha kale ee Madaxtooyadu ka koobantahay.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xiriirka Ciyaaraha, Ciyaartoo hore oo kubadda Kolyga ah iyo masuuliyiin kale .

Tartanka Koobka Kubadda Kolayga ee  Garoowe lagu qabtay waxaa lasoo gebagebeeyay galabta, tartankan oo u dhexeeyay Kooxahan kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Garoowe, waxaa ku guuleysatay Koobka kooxda Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho.

Related posts

Yaa ku guuleystay koobka Ciyaarihii Dowlad goboleedyada dalka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Jubbaland oo la doortay (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaalida degan Sweden oo laga raali geliyey War yaab leh oo laga faafiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---