Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaaliya oo loogu deeqay taageero dhaqaale oo ku dhow 14 Milyan EURO

Midowga Yurub ayaa shaaciyey lacag dhan 13.5 milyan oo EURO inuu ku taageerayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

Dhaqaalahan oo lagu shubay qasnadda Dowlada ayaa qayb ka ah 92.9 milyan EURO oo ah taageero miisaaniyadeed iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo uu maalgeliyay Midowga Yurub oo markii ugu horreysay la isku raacay 2018.

Kaalmadan ayaa ka kooban qeybo joogto ah iyo kuwo isbeddelaya, tan dambe waxay ku xiran tahay horumar lagu sameeyay dib-u-habayn dhaqaale iyo bulsho.

EU-da ayaa sheegtay in Taageerada tooska ah ee miisaaniyadda federaalka looga golleeyahay in lagu taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Related posts

Labo dowlad goboleed oo laga hirgeliyey Sheybaarka lagu baaro COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Jabhada OLA oo leysay masuuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Saciid Deni oo gaaray gobolka Mudug, xarigana ka jaray Mashaariic cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---