Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo ka hadashay in Ciidankii ku maqan Eritrea Dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warar horey warbaahinta qaar u baahiyeen oo sheegayay in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaal ka dhacay Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigrey.

“ Waa been in ciidamada Soomaaliya ee Eriteriya tababarka loogu qaaday ay ka qayb galeen dagaaladii Gobolka Tigray wayna badqabaan waxayna ku soo laabanayaan dalkooda” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warar soo baxayay oo sheegayay in ciidamada Eritrea ku xayiran loo heesto lacag, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid waxbo kama jiraan.

Ciidanka Tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa horey loo sheegay in ay ka qeyb galeen dagaalkii ka socday Waqooyiga Itoobiya, waxaana warkaasi dadkii faafiyay kamid ah masuuliyiin hadda xilal ka haya dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo lacag kiro ah ka rabta dad degan guryo ay leedahay amarna siisay Booliiska

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo ka degay Baladweyne iyo Madaafiic lagu garaacay garoonka

Cabdi Cade

Dadkii lagu laayay weerarkii xeebta Liido oo loo duceeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---