Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Bogaadiyay Dadaalo Britain ku taageereyso BFS (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha iyo in ay si buuxda u taageeri doonto tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Related posts

Wafdi sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Tirada ciidamada Ruushka looga dilay dagaalka ka socda Ukrine oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Baxdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---