Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Arrimo kala duwan kala hadlay Suldaan Saciid Axmed (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland.

Guddoomiyaha Aqalka sare iyo ergayga Finland ka socday ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya .

Waxa ay sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi kala hadlay Xildhibaan Suldaan Siciid  kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.

Ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Qatar oo si adag uga hadashay Heshiiska Wadamo Carbeed la galeen Isra’iil

Cabdi Cade

Yaa ka Dambeeya kufsiga foosha xun iyo dilalka kusoo badanaya magaalada Garawe ?

Cabdi Cade

Wasiir Cabdisamad Galan iyo Masuuliyiin kale oo ka bad baaday Qarax lagu dili rabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---