Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay ka fuliyeen Labikuus

Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaan Labikuus oo dhaca Waqooyi Galbeed Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Taliska ciidamadda Mareykanka ee Afrika war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaanka Labikuus ku dileen labo sargaal oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo aysan Mareykanka faahfaahin magacyadooda.

Warka kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah, waxa ayna xuseen in kaliya lala helay bartilmaameedkii lala doonayay.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mareykanka.

Deegaankan duqeynta ka fuliyeen ciidamada Mareykanka ayaa maalin kahor ciidamada Danab ay tababareen Mareykanka howlgal ay ka fuliyeen waxa ay ku dileen shan nin oo ay sheegeen in Al Shabaab katirsanaayeen halka mid kalana soo qabteen isaga oo nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil Turki ah oo Muqdisho yimid & shir ka dhacay Wasarada Difaaca (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxkamad ku taalla Norway oo xukun adag ku riday ninkii weeraray Masjidka Al-Nuur

Caydiid Ali

Weerar culus oo ka dhacay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---