Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddi uu qaraxii Jowhar u Magacaabay Cali Guudlaawe oo talaabadii u horeysay qaaday

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Gudiga Gurmadka Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh.

Gudigan ayaa kormeer u kuurgal ah ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxii shalay iyo Xaafadaha uu saameeyay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo horkacaya gudigaan ka kooban Howlwadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa wada qiimeynta, diiwaangalinta dadkii ku waxyeeloobay iyo tirada qasaaraha uu geystay.

Qaraxan ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale oo ay ku jiraan Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabele.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay hotel ay degenaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle, waana qaraxii ugu weynaa abid ee ka dhaca magaalada Jowhar.

 

 

Related posts

Dil toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Booliska Somaliland oo..

Caydiid Ali

Guddi ku qanci waayay Jawaab Celinta Su’aalo adag ay weediyeen Wasiir Cawad

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida ku timid Madaxweynihii dalka Imaaraadka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---