Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudur la mid ah Ebola oo ka dilaacay dalka Ghana iyo dad u dhintay (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Ghana ayaa sheegtay in ay xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyay ee VIrus-ka Marburg, oo ah cudur aad u faafa oo la mid ah Ebola.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in labada bukaanba ay ku dhinteen Isbitaalka.

Sagaashan iyo siddeed qof ayaa ku jira karantiil iyadoo looga shakisan yahay inuu haleelay cudurkan

Fiidmeerta ayaa la ogaaday inuu kasoo faracmay feyraskan, saraakiisha ayaa dadka uga digay inay ka fogadaan godadka ay ku nooshahay fiidmeerta.

Waxaa si weyn looga cabsi qabaa inuu ku faafo cudurkan dalalka la deriska ah Ghana oo si weyn ugu nugul maadaama ay xuduudaha dalalkaas ay isaga gooshaan dad fara badan.

.

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka xumaaday in Hillary Clinton Akhriso Buuga Fire and Furry (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Xildhibaan Jeesow oo la sheegay in uu xasaannad ka heesto Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---