Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawwaan magaalada Nairobi ku gaaray heshiis qodobo dhoor ah ka koobnaa, waxaana heshiiskaasi qeyb ka ahaa in dib loo furo suuqa ganacsiga jaadka Kenya laga keeno ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa soo dhaweeyay kuna farxay ganacsatada jaadka beerata ee dalka Kenya, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay ganacsatada Soomaaliyeed ee jaadka ka keenta dalka Kenya iyo kuwa dalka gudihiisa ku iibiya.
Waxaa hadda soo baxaya caqabado cusub oo soo wajahay ganacsatada jaadka ee dalka Kenya, kuwaa oo markii hore sugi la’aa in la fasaxo dhoofinta jaadka , balse waxaa hadda heesta caqabad cusub oo kaga timid dhinaca dowladooda.
Dowladda Kenya gaar ahaan hay’adda beeraha iyo cunnada (Afa) ayaa soo saartay shuruudo cusub oo lagu xiray ganacsatada jaadka dalka Kenya, waxaana hay’adda beeraha Kenya ka dooneysaa ganacsatada jaadka in ay qaataan shaktiyo cusub.
Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Qaadka Kimathi Munjuri ayaa warbaahinta u sheegay in Hay’adda Beeraha iyo Cunnada (Afa) aysan wali shatiyada siinin ilaa 500 oo ah ganacsatada qaadka dhoofisa.
”Si degdeg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,â ayuu yiri guddoomiyaha ururka ganacsatada jaadka ee dalka Kenya Munjuri.
Ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa waxaa looga baahan doonaa si jaadka ugu soo dhoofiyaan Soomaaliya in ay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan.
Dowladda Kenya ayaana soo saartay xeer ciqaab ah oo dhigaya qof kasta oo dhoofiya qaadka bilaa shati in uu mutaysan doono xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax lacag dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com