Faarax Cumar Geelle oo ahaa taliyihii NISA ee degmada Caabudwaaq ayaa maanta lagu dilay degmadaas ka dib rasaas lagu furay.
Goobtii lagu dilay ayaa waxaa ku dhaawacantay walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo iyana saacado ka dib galabta u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray rasaasrii lagu dilay walaalkeed.
Walaalkood Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna markii uu geeridooda maqlay wuxuu ka soo ambabaxay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, si uu aaskooda uga qaybgalo, balse intii uu jidka ku soo jiray ayaa gaarigii la rogmay, halkaas ayuu isna ku geeriyooday.
Dhacdadan argagaxa leh ee ay ku baxeen saddexda walaalaha ah ayaa si weyn looga hadal hayaa degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale.