Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Itoobiya ka cudur-daaratay booqasho uu beri ku tegi lahaa Xasan Shiikh?

Dowlada Itoobiya ayaa ka cudur daaratay iney qaabisho Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo lagu waday inuu beri booqasho ku tago Addis ababa sida ay sheegayaan warar aan la xaqiijin oo caawa soo baxay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Itoobiya ay talaabadaas ku macneysay jadwalkooda oo buuxa.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo booqasho ku soo kala bixiyey dalalka Kenya iyo Jabuuti waxaa u qorsheysneyd inuu beri booqasho ku tago Itoobiya.

Talaabada ay Itoobiya kaga cudurdaaray booqashada Xassan Shiikh ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, dadka qaarkood ayaa qaba in arrintan ay tahay mid shaki leh, lagana yaabo in Itoobiya aysan ku qanacsaneyn Siyaasadaha Xassan Shiikh.

“Todobaadkan Abiy Ahmed iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa qaabilay Madaxweynaha Puntland oo booqday Addis ababa, in Madaxweynihii dalka la yiraahdo waqti uma heyno, Madaxweyne goboleedna la qaabilo, waxay astaan u tahay in Itoobiya ay ka didsan tahay Xassan Shiikh” ayuu yiri mid ka mid a dadka falanqeeya siyaasada Somalia.

Xassan Shiikh ayaa Kenya la saxiixday heshiis lagu soo celinayo xiriirkii xumaaday ee labada dal, waxaana qodob ka mid ah heshiiskaas uu dhigayaa in Kenya ay dib u bilowdo ganacsiga Qaadka ay u dhoofin jirtay Somalia, taasoo ka dhigan inuu meesha ka baxayo Qaadkii laga keenayey Itoobiya.

 

Related posts

Henry Kissinger oo geeriyooday iyo saameyntii uu ka tagay oo wali la xasuusto

Cabdi Cade

Dowladii ugu horeysay Yurub oo gebi ahaan Mamnuucday talaalka AstraZeneca

Caydiid Ali

Amaanka Doorashada Soomaaliya oo si hoose loogu wareegay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---