Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Jowhar Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku dhintay  weerarkaasi, isagoo caafimaad u rajeeyay masuuliyiintii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxaasi.

Cali Guudlaawe ayaa faray laamaha amniga inay iska kaashadaan xoojiyaan iyo adkeynta amaaanka sidoo sidoo kalana ay xog dhameystiran ka keenaan sida ay wax u dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay hotel ay degenaayeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegtay in qaraxu burburiyay hotelka iyo guryo ku dhaw isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadkii ku sugnaa goobahaas.

Related posts

Xagee ku dambeeyey amarkii Villa Somalia looga joojiyey ilaalada Wasiirada & Xildhibanada?

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyey Jadwalka 11 kursi (Akhriso)

Caydiid Ali

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo saakay lagu qaaday xero Milatariga Somalia ay degan yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---