Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabad Sugida Galmudug oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay taliye kuxigeenkii ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka qeybta Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle (Beer).

Dilka taliyahan katirsanaa ciidanka Nabad Sugida ayaa wararku sheegayaan in uu fuliyay askari o katirsanaa ciidanka dowladda, waxaana dilkan la sheegay in uu salka ku hayay khilaaf soo kala dhax galay taliyaha la dilay iyo askariga dilka geestay.

Ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliiska ee ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa wada howlgal ay ku baadigoobayaan askariga dilka geestay oo la sheegay in goobta si degdeg ah uga baxsaday markii uu dilay taliye Beer.

Maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidanka ayaan wali ka hadlin dilka maanta Caabudwaaq loogu geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka nabad suguda, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan masuuliyiin katirsan Galmudug ka hadlaan dilkan.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleesan aanooyin qabiil iyo dilal kale ay isku geestaan askar, waxaana degmadasai marar badan tagay masuuliyiin katirsan Galmudug si xaaladeeda wax looga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun xabsi ah oo lagu riday gabdho caan ka ahaa Tiktok

Cabdi Cade

Dilkii Chris Kaba oo Sababay khilaaf soo kala dhax gala Dowladda UK iyo Booliiska hubka…

Cabdi Cade

Wasaaradda Batroolka oo dib usoo celisay Heshiisyadii Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---