Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Halis todobaadka soo socda ku wajahan Britain iyo dowlada oo digniin bixisay

Dalka Britain ayaa waxaa ku dhufan doona todobaadka dambe heerkulkii ugu darnaa abid taariikhda dalkaas. Taas oo dhimasho badan sababi karta sida ay sheegayaan heyadaha Saadaasha hawada.

Britain ayaa ku dhawaaqday in maalmaha Isniinta iyo Talaadada todobaadka soo socda wax shaqo ama isku socod uusan jiri karin, waxaana dadka aanan heynin shaqooyinka muhiimka ah loogu baaqay iney joogaan guryahooda.

Heerkulka ayaa sida la saadaaliyey gaari doona 44 degree. Waana heerkulkii ugu darnaa abid ee soo mara taariikhda UK.

Kuleylka ku dhufan doona Ingiriiska ayaa laga cabsi qabaa in dad badan u dhintaan. Waxaana lagu baaqay in loo diyaar garoobo.

Inta badan dalalka ku Yurub iyo bariga dhexe ayaa todobaadyadii la soo dhaafay wajahayay kuleyl daran, waxaana kuleylka meelaha uu sida weyn u saameeyey ka mid ah dalka faransiiska oo jaar la ah Britain.

Related posts

Digniin Adag oo loo diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo dil & dhaawac loogu geystay degmo ka tirsan G/Banaadir

Caydiid Ali

Meydka Marxuumad Luul C/casiis oo bil ka dib lagu aasay Muqdisho (Sawirro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---