Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa soo jeediyey in Soomaaliya laga joojiyo dawooyinka ragga ay isticmaalaan xoojinta galmada sida kiniiniga Viagra.
Waxay intaas ku dareen in dawooyinkan ay leeyihiin halis Caafimaad oo ka badan faa”dooyinka ay leeyihiin
Xildhibaanada oo su’aalo weydiinayey Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegey iney dad badan u dhinteen dawooyinkan, qaar kalena ay kala kulmeen xannuuno, sida dhiigkar iyo wadne xanuun.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegey inay baarayaan dawooyinkan loo isticmaalo Galmada, isagoo sheegay haddii ay cadaato arrintan inay qaadi doonaan talaabada ku haboon.
Kaniiniga Viagra ayaa kordhiya wareegga dhiigga qofka kaasoo muhim u ah Xoojinta xubinta galmada ragga si uu u dhaco bandhig sariireed, waxaana inta badan isticmaala dadka waaweyn.
Hase ahaatee kaniinigan ayaa dhibaatooyin Caafimaad u geysta dadka qaba cudurada dhiigkarka, wadne xanuunka, shallal ama stroke iyo xanuuno kale.