Wasiirka gaashaandhigga Ruushka , Sergei Shoigu, ayaa ku amray militeriga inay xoojiyaan dagaalka ay ka wadaan dalka Ukriane ka dib amar sidaas faraya oo ka soo baxay Madaxweyne Putin.
Wasiirka ayaa amarkan siiyay ciidamada Ruushka xilli uu booqasho ku tagey saldhig militeri oo ku yaalla gudaha dalkaas.
Wuxuu sheegay in arrintani looga golleeyahay in looga hortaggo duqeymaha ciidamada Ukraine ee bariga dalkaas iyo degaanada uu qabsaday Ruushka.
Tan iyo Jimcihii , gantaallada Ruushka ayaa ku hoobanayay magaalooyinka Ukrainem kuwaasoo khasaarooyin lixaad leh u geystay dad shacaba ah.
Bartamaha magaalada Dnipro, waxaa gantaallo lagu garaacay goob lagu sameeyo dayax-gacmeedyada, waxaana burbur uu soo gaaray dhismayaal la deggan yahay oo ku dhowaa. Saddex qof ayaa ku dhintay duqeyntan.