Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay Burcad, Ciyaal weero, Hub iyo Xashiish (Sawirro)

Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa soo bandhigay dhalinyaro fara badan oo lagu eedeeyey iney ka tirsanayeen burcada iyo ciyaal weerarada dhibaatada ku hayasa shacabka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in burcada iyo ciyaal weerarada la soo bandhigay lagu soo qabtay howlgalo ay ciidanka Boolisku ka sameeyeen qaar ka mid ah degmoyinka Muqdisho 24kii saac ee la soo dhaafay.

Degmooyinka laga soo qabtay burcada iyo Ciyaal-weerada ayaa waxaa ka mid ah Warta Nabada, Wadajir, Dharkeynley, Heliwaa iyo kaaraan sida uu sheegay afhayeenka Booliska.

Waxaa uu xusay in raggan qaarkood la soo qabtay iyagoo dhac iyo dhibaatooyin kale ku haya shacabka, lana hayo cadeymahooda sida hubkii ay wax ku dhacayeen iyo dadkii ay dhacay u geysteen intaba.

Afhayeenka Booliska ayaa dhinaca kale ka hadlay sababta ay socofka gaadiidka bajaajja uga mamnuuceen wixii ka dambeeya 12:00 saq dhexe ee habeenimo.

“Bajaajta inay habeenkii Lix saac socoto uma aanan mamnuucin oo kaliya in dhac lagu geystee waxaan u mamnuucnay in Habeenkii Saq dhexe lagu qaado Gabdho Guryahooda kasoo dhuuntay kadibna Kalaabyo iyo Meelo Dhaqan xumo loo sameystay lagu geeyo”

Related posts

Shacab ka soo horjeedda in Britain ka baxdo Midowga Yurub oo isugu soo baxay Magaalada London (Daawo Videio)

admin

Madaxweyne Deni oo aad u dhibsaday Ereyo kasoo yeeray Wasiir Cusmaan Dubbe

Cabdi Cade

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---