Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Burhaan Maxamed oo ah arday Soomaali ah oo ku soo guuleystay tartanka Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.
Kulanka oo ahaa mid qado sharaf ah ayaa waxa ku wehlinayay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxuud Faarax oo ah macalinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Maxamed C/llaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abubakar Sadiiq ee Minneapolis.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha uu Axmed Burhaan ka gaaray tartankii Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.
“Waxa idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad iga aqbasheen casuumaada aan idiin fidiyay, guusha aad gaartay waa guul weyn oo Soomaali dhan farxad gelisay, waan kaaga mahad celinaya dadaalka aad sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in muhiimada kulankan uu yahay mid dhiira gelin ah, guushaana ay tahay guul Qaran.
“Runtii golaha shacabka aad ayuu usoo dhaweeyay guushan, waxan ka shaqeynaya sidii maamuus sare loogu sameyn lahaa dhalinyarada guulaha noocaan oo kale ah Qaranka u soo hoyay” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.
Axmed Burhaan Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka iyo casuumaadda guddoomiyaha golaha shacabka.
Kulanka waxa gooboog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudey), Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo xubno kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com