Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay Kaddib is faham uu lasoo gaaray Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Related posts

Dhacdooyin taariikhi ah oo laga diiwaan-geliyay Marti galintii Qatar ee Koobka Adduunka

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxa ATMIS iyo safiirada dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo..

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Antony Blinken iyo Demeke Mekonnen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---