Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon Caan ah oo Muqdisho lagu dilay iyo Cabsi soo wajahday Waxgaradka hal beel

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana magaalada ka dhacaya dilal ay geesanayaan kooxo biskoolado ku hubeesan oo lala xariiriyay Al Shabaab iyo kooxo kale oo burcad hubeesan ah.

Waxaa xalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim lagu dilay Sheekh Cabdi Faniinte oo ahaa nabadoon iyo ganacsade caan ah, waxaana dilka nabadoonkan fuliyay dhallinyaro biskoolado ku hubeesnaa.

Dilka Nabadoonkan xalay loo geestay ayaa waxaa ka horeeyay dil kale oo isna habeen hore magaalada Muqdisho loogu geestay Nabadoon kale oo isna caan ahaa oo lagu magacaabayay Sheekh Salaad Ciise Diiriye.

Labada nabadoon ee la dilay ayaa kasoo wada jeeda beesha Saleemaan ee degta deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhawwaan lagu laayay dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

Waxaa dilalkan u muuqdan mid lagu beegsanayo nabadoonada iyo ganacsatada ugu saameynta badan ee kasoo jeeda deegaanka Baxdo, waxa ayna tani kordhisay cabsida lasoo daristay ganacsatada iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaankaasi ee Muqdisho jooga.

Ciidamada amaanka ee ka howlagala magaalada Muqdisho ayaana ku fashilmay wax ka qabashada amniga caasimadda ee sii xumaanaya, waxa ayna ciidamada mararka qaar sameeyaan howlgalo amaanka lagu sugayo balse aan wax badan tarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qushuuc aan la qiyaasi-karin oo laga dareemay Aaska Marxuum Eng Yariisoow iyo Wasiir kabad baaday isku day dil …!!

admin

Dowladda oo ka jawaabtay hadalka lataliyihii Farmaajo

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---