Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ah oo sheegay in qaarada Afrika ay ku guulaysatay Koobka Adduunka

Afrika ayaa Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, Yurubna waa in ay joojisaa faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, ayuu yiri madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro.

Telefeshinka dawladda ayaa ka soo xigtay Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya magaalada Caracas oo leh:

“Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay – waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto, hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah” ayuu yiri Nicolas Maduro.

Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 4-2.

Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musaveni oo qaadaya talaabo cusub ka dib askartii looga laayey Buulo mareer

Caydiid Ali

Shiinaha oo afar dal oo kuyaala Qaarada Afrika ka sameesanaya saldhigyo Milatari

Cabdi Cade

Taliyaha NISA oo gaaray magaalada Dhuusomareeb iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---