Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney caawa ku dileen magaalada Muqdisho ganacsade caan ah.

Shiikh Salaad Ciise ayaa lagu dilay Xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Faahfaahin intaas ka badan lagama hayo dilka ganacsadahan, lamana oga weli cida ka dambeysay dilka geystay.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkan ku soo badanayey falal amaan daro oo iskugu jiray dhac iyo dilal, kuwaasoo qaarkood ay geysnayaan isla ciidankii loogu talo galay iney amaanka sugaan.

 

Related posts

Jubbaland oo beenisay inuu xiriir kala dhexeeyo Al-shabaab

Caydiid Ali

Muwaadiniinta Israa’iil ee ku sugan dalka Turkiga oo loo diray Digniin adag

Cabdi Cade

Mareykanka oo War cusub ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga Manda Bay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---