Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Jarmalka oo Ballanqaad u sameesay Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Ergeyga madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmad abaaraha iyo arrimaha bini,aadannimada ayaa maanta la kulmay xoghayaha koowaad ahna madaxa howlaha bini,aadannimada ee Danjirtada Jarmalka.

Ergeyg Cabdiraxman ayaa Mr Martin Stein ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Jarmalku ka waddo Soomaaliya.

Ergeyga oo intaas kadib uga mahadceliyay dowladda Jarmalka sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Jarmalka ee deeqbixiyaha labaad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022.

Ergeyga ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay Safaaradda Jarmalka siyaalaha ay gacan uga geysan karaan u qareemidda abaaraha Soomaaliya gaar ahaan soo jeedinta indhaha reer Yurub iyo gacan ka geysasashada xiriirka xafiiska Ergeyga iyo Qurba joogta Soomaaliyeed ee Jarmalka iyo Yurub.

Xoghaye Martin oo bogaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ku bixineyso arrimaha bini,aadannimada gaar ahaanna fududeynta howlaha gargaarka ayaa u ballan qaadey Ergeyga in Dowladda Jarmalku sii wadi doonto iska xilsaarista gargaarista Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Laga Ogyahay Sababihii Sheekh Shariif uu Ku Lumiyay Kursiga Madaxweynaha?

Cabdi Cade

Ciidamada AMISOM oo gaadiidkooda jiirsiiyey askari Soomaali ah

Caydiid Ali

Xamse oo khudbad ka jeediyey Shirka J/Carabta ee looga hadlay damaca Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---