Xoog ku xakameynta burburka midnimada qaran waxey u baahan tahay xal hogaamiye go’aan adag oo dastuur isugu haya wadajirka dadka iyo dalka.
Isku haynta midnimad dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed waa xilka ugu weyn ee loo doorto madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana masuuliyadaas kala dhantaaley federaalka ku dhismay qabyaaladda. Baadigoobka siyaasadaha lagu raadinayo dhulalka maqan waxaa ka soo hormaray caqabada federaalka oo keentay kala googo’a gobolada dalka oo maamul goboleed walba leeyahay madaxweyne awoodiisu barbar socoto madaxweynaha dalka, kuwaas oo leh ciidan milateriya iyo heshiisyo caalamiya oo ay gelayaan, waxeyna taasi keentay dalka oo yeeshay madaxweyneyaal kala madaxbanaan.
Guddaha Soomaaliya waxaa dhaqan ka noqtay in dadka aan u dhalan gobol ineysan xuquuq wadaniyad aysan ku lahayn gobolkaas, taas oo xeerineysa in gobolkaas laga soo cayrin karo dadka aan u dhalan sida horayba u dhacday, waxaana taas xigtey in maamul goboleed uu xiriirka u jaro dowlada dhexe iyo hogaamiyaha dalka, taas oo halis weyn ku ah midnimada hal dalka iyo hal shacab oo ku wada hoos nool xukun rayida oo ku dhisan dowlad dimoqaraadiya.
Weligeed lama arag lamana maqlin wadanka gudahiisa oo isku socodka gaadiidka ay ku xiran tahay shuruud ka turjumeysa rabitaanka madaxweynaha maamul goboleedka, waxaana taas marqaati u ahaa dhacdooyin badan oo la xirrirta siyaasiyiin diyarado saaran oo loo diidey iney ka soo degaan garoomada ay ka taliyaan madaxda dowlad goboleedyada. Waxey ugu darneyd markii loo diidey laba madaxweyne hore dayaarad ay saarnaayeen iney caga dhigato Beled Weyne, iyagoo doonayey iney caalamka ku baraarujiyaan waxyeelada baaxadda weyn oo ka dhalatay fatahaada webiga.
Shalay waxaa dhacday siyaasadxumo tii ugu liidatey kadib markii kusimaha madaxweynaha dalka oo macaawino u qaaday dad ku tabaaleysan Waqooyi Bari loo diidey iney diyaaradda sidey soo caga dhigato garoonka Boosaso oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, kadib markii hogaamiyaheedu uusan ku qancin shixnada mucaawinadda ah oo degaankiisa markii labaad la geynayo, iyadoo mudnaan gaara la siiyey dowlad goboleedkiisa oo maamuladda kale looga soo hormariyey.
Maxey noqon kartaa awooda xilka madaxweyne oo dalkiisu uusan lahayn midnimo qaran? Ma jirto heshiis raacsan dastuurka oo lala galo madaxda maamul goboleedyada oo inta badan sameystay dastuuro khilaafsan dastuurka guud ee dalka u degsan, mana suurtowdo dal isagiiba aan mideysneyn heshiis dunida lala galo oo ansax noqonaya. Qaadista tilaabooyinka wanaagsan ee siyaasadaha arrimaha gudaha waxey muraayad muuqata u yihiin wanaajinta siyaasadaha arrimaha dibeda, waxaana muuqata in heshiiska lagu raadinayo midnimada ay ku gadaaman dano sokeeye iyo kuwo shisheeye oo aan looga maarmayn adeegsiga xeelad ku dhisan xoog ku maldahan hiilo sokeeye iyo diblomaasiyadda saaxiibo shisheeye.
W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka