Dhaqtar ayaa la xirey kadib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday bukaan suuxsan, intii lagu guda jirey hawlgal qalliin, isbitaalka haweenka Heloneida Studart ee magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil.
Booliiska Madaniga ayaa ninkan qabtay, kadib markii laga duubay muuqaal markii uu ku kacayey fal dambiyeedkan.
Saraakiisha booliiska ayaa si degdeg ah ku yimid xarunta, iyadoo xubno ka socda waaxda caafimaadka, ay duubeen dhakhtarka suuxdinta oo ku kacaya falka waxashnimada ah.
Booliiska ayaa xaqiijiyey in Quintella Bezerra lagu soo eedeeyey kufsi, isagoo ruux bukaana kaga faa’iideystay xili uu aad u nugul yahay.
Dhakhtarkani ayaa wajahayaa xukun xarig oo u dhaxeeya 8 illaa iyo 15 sano Haddii uu ku caddaato dambigan.