Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku xiray Wadaad caan ka ah baraha Bulshada

Ciidamada booliiska Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Hodan ayaa maanta isbitaalka Digfeer  ka dhax qabtay wadaad caan ka ah baraha bulshada oo lagu magacaabo Sheekh Shantaay.

Sida aan wararka ku helnay wadaadkan la xiray ayaa loo heestaa hadal uu jeediyay oo ahaa in koox ciyaal weero ah lacago baad ah wadooyinka xaafadaha degmada Hodan uga qaadaan gaadiidka dhax mara degmadaasi.

Wadaadkan kusoo caan baxay baraha bulshada ayaa lagu hayaa saldhiga booliiska degmada Hodan oo su’aalo lagu weediinayo, waxaana xarigan si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada.

Taliyaha booliska degmadaasi Xuseen Cadceed ayaa xaqiijiyay xariga wadaadkan, waxa uuna sheegay in loo heesto hadalo dacaayad ah uu ku sheegay in laamiga Taleex Ciyaal weeraro lacago baad ah kaga qaataan gaadiidka xamuulka.

Sheekh Shantay ayaa caan ka noqday sannadkan baraha bulshada, waxa uuna ninkan kusoo caan baxay in uu wax ka sheego inta badan dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada iyo shaqsiyaad kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Yoweri Museveni oo Bandow kusoo rogaya qeybo kamid ah dalka Uganda

Cabdi Cade

Haweeney ku dhaqaaqday Fal argagax leh oo dad badan ka careesiiyay !!

Cabdi Cade

Eey dad badan layaabeen oo lagu arkay magaalo kutaalla dalka Ruushka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---