Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub katirsan oo lagu soo bandhigay Qalab Milatari oo laga qabsaday Ruushka (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa guul darooyin uusan fileyn kala kulmay duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, waxaana Ruushka dagaalka looga dilay kumanaan askari halka sidoo kale looga qabsaday loogana burburiyay agab badan oo milatari.

Magaalada Prague ee caasimadda dalka Czech Republic ayaa lagu soo bandhigay qalab milatari oo dagaalka Ukraine ka socda looga qabsaday ciidamada Ruushka ee dalkaasi duulaanka ku galay.

Qalabka milatari ee lahaayeen ciidamada Ruushka ee lagu soo bandhigay magaalada Prague ayaa waxaa kamid ahaa taangiga nuuca T-90 oo burbursan, gantaallada difaaca hawada ee Buk iyo hubka Msta howitzer .

Wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, Denys Monastyrsky ayaa sheegay in taangiyada iyo qalabka kale ee Ruushka ee lasoo bandhigay muujinayaan guul darada Ruushka gaaray, waxa uuna xusay in badhigan muujinayo taageerada ee dalalka Yurub kuyaala u hayaan.

”Bandhigga qalabkan wuxuu muujinayaa taageerada muhimiika ah ay inoo muujiyeen dalalka, dacaayadaha Ruushka waxaa looga golleeyahay in Ruushka uu ku cabsi geliyo dadka taangiyadiisa dagaalka ay gaari karaan magaalooyinka Prague, Berlin ama Paris, Ukraine waxay haatan dadka tusineysaa iyagoo burbursan” ayuu yiri Denys Monastyrsky.

Ciidamada Ruushka ee duulaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa qabsaday magaalooyin dhoor ah oo dalkaasi kuyaalla, waxaana Ruushka la kulmeen iska caabin xooggan aysan horey u fileen in ay kala kulmi doonaan ciidamada Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo dibeda u ambabaxay iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Mareykanka iyo Xog ku aadan ujeedka socdaalkiisa

Cabdi Cade

Bilyaneer Caan ah oo Sadex kamid ah caruurtiisa ku waayay qaraxyadii ruxay Sri Lanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---