Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Wareegtada kasoo baxday wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi in uu noqdo Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo ah sargaal ciidan oo caan ka ah gobolka Hiiraan.
Sargaalkan loo magacaabay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa horey dagaal kula galay magaalada Baladweyne ciidamada maamulka Hirshabelle, waxa uuna kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysay kacdoonkii looga soo horjeeday maamulka Hirshabelle.
Nuur Dheere ayaa markii dambe magaalada Baladweyne kula heshiiyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa, waxaana loo ballanqaaday xil iyo dhaqaale si uu u taageero maamulka Hirshabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com