Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaal culus oo dhacay degaanka Bukure iyo ciidamada dowlada oo..

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay degaanka Bukurre oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo ka tirsan ciidamada Xoogaa dalka guutada 5-aad qeybta 27-aad ay weerar ku qaadeen fariisin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Bukurre, taasoo keentay in labada dhinac dagaal culus dhaxmaro.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka XDS Col. Maxamuud Xassan Ibraahim Baakay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney weerarkaasi ku dileen 15-dagaalyahanno ayna ka furteen 5-qori oo Ak-47 iyo hal qori oo ah BKM.

Al-Shabaab wax war ah oo ku saabsan dagaalkan kama bixin, sidoo kale lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan marka laga yimaado sheegashada ciidamada dowlada.

Ciidamada XDS ayaa deegaanada u dhaxeeya Maxaas Matabaan iyo Beledweyne ka wada nuddo bil ka badan howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Related posts

Duqa Muqdisho oo garab siiyay Qoys la damcay in Gurigooda xoog looga saaro (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya Qarax dad badan ku dilay duleedka Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo war cusub soo saartay kana digtay hal arin oo la isku hayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---