Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo kormeeray ciidanka Badda ee lagu tababaray Eritreya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka.

Ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha JFS waxa uuna madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf isaga oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo xoreynta dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka.

Related posts

Abwaan caan ah oo Qeylo dhaan ka keenay Dhul uu leeyahay oo Imaaraadka laga iibinayo

Cabdi Cade

Wiilka madaxweyne Joe Biden oo qiranaya Saddex Dambi oo lagu soo oogay

Cabdi Cade

Jaamacada Jobkey oo soo bandhigtay Cilmi baaris ku saabsan Xoolaha & beeraha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---