Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo Burcad ah & hub lagu qabtay howlgalada Muqdisho oo la soo bandhigay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay hub iyo maandooriye lagu soo qabtay Howalgal ay Muqdisho ka Sameeyeen.

hubka la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qoryo Tooreeyo, bastoolado, rasaas iyo waxyaabo kale oo loo adeegsan jiray in dadka lagu dhaco.

Afhayeenka Booliska Somalia ayaa sheegay in sidoo kale howlgalada ka socda magaalada lagu soo qabtay noocyada Maandooroiyaha sida xashiishka iyo khamriga oo noocyo kala duwan leh.

Sidoo kale, Booliska ayaa soo bandhigay rag burcad ah oo watay hubka la soo qabtay kuwaasoo la soo xiray iyagoo ku howlan dhaca dadweynaha.

Cabdifitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Ciidamo hub ku dhex wata, marka laga reebo Ciidamada ka shaqeynaya sugida Amniga.

Related posts

Yaa qaadaya Masuuliyada Khasaaraha naf & maal leh ee ka dhashay dagaalka Guriceel?

Caydiid Ali

Lafta Gareen oo Gudoomiyay Shir ay ka qeyb galeen Saraakiil Ingiriis ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta kormeer ku tagay sadex Xarumood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---