Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro ka tirsan Puntland oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay saaka garoonka Boosaaso

Wasiirka amniga Puntland C/samad Gallan ayaa ku eedeeyey ciidanka PSF iney ka dambeeyeen dagaalkii maanta ka dhacay garoonka dayuuradaha Magaalada Boosaaso kaasoo dhexmaray ciidamada PSF iyo PMPF ee ka wada tirsan Puntland.

Illaa 15 askari oo ka tirsan labada dhinac ayaa ku dhintay dagaalkaas halka qaar kale ay ku dhaawacmeen..

“Dagaalkan waxaa uu bilowday markii ciidamo ka tirsan PSF ay isku dayeen iney xoog ku galaan gudaha garoonka Boosaaso, Ciidamada iyo gaadiidka dagaalka waa ka mamnuuc iney garoomada xitaa aniga oo ah wasiirka amniga markaan galayo. ilaalada ila socota albaabka garoonka ayaa uga tagaa” ayuu yiri C/samad Galan.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa isna sheegay in wafdiga Ku-simaha Madaxweynaha ahna guddooomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ee ka imanayey magaalada Muqdisho, aaney la soo xiriirin Puntland, si markaa maamulku uu u qaabilo.

Wuxuu intaa raaciyey wasiirku in haatan ay abaar ka jirto dalka Soomaaliya, taasoo loo baahan yahay dadaaalka dhamaan qeybaha bulshada la mideeyo.

Wasiir Dhabancad, ayaa tilmaamey in hannaanka federaalka uu qeybinayo awoodaha, isla markaana la doonayo in dowladda iyo maamulada ay tahay lagama maarmaan iney iska war qabaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Puntland ay diyaar u tahay iney kala shaqeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada kalaba, ka hortagga abaarta iyo gargaar u fidinta shacabka tabaaleysan.

Wasiir Dhabancad, ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya in hadda kadib aaney dhicin gacan dhaaf iyo iska warqab la’aan, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyey in wixii maanta dhacey aaney dib danbe u dhicin.

HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIRADA

Related posts

Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay doorahooyinka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka Maxey uga dhigan tahay Doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed ?

Cabdi Cade

Maqaamka iyo xuquuqda Muqdisho oo maanta laga tashaday

Cabdi Cade