Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masuuliyiin katirsan Maamulka Masjidka Xaramka oo Xilka laga qaaday iyo Sababta keentay

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah masuuliyiinta Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, kaddib markii lagu eedeeyay xubnaha xilalka laga qaaday in ay si wanaagsan u gudan waayeen shaqadooda.

Maamulaha Guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, Sheikh Abdul Rahman bin Abdulaziz Al-Sudais, ayaa bayaan uu soo saaray xilka uga qaaday  Agaasimaha Xarunta Warbaahinta oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan.

Sheekh Al-Sudais ayaa sidoo kale xilka ka qaaday agaasimihii guud ee maamulka iyo kaaliyihiisa oo xilalka laga qaaday, waxaana xil ka qaadista masuuliyiintan timid xilli Masjidka Xaramka joogaan dad ka badan hal Milyan oo qof oo sannadkan xajinayay.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sannadkan u oggolaaday illaa hal milyan oo Muslimiin ah oo daafaha dunnidda ka kala yimid in ay gutaan waajibaadka xajka, waxa ayna noqotay sannadkan tiradii ugu badneed oo xajisa tan iyo markii uu bilowday cudurka Carona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada Shacabka Falastiiniyiinta ee lagu laayay magaalada Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Xiliga Madaxweyne Trump laga saarayo Isbitaalka lagu daweynayo oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Murashaxiinta qaarkood oo Olole nuuc cusub ah ka bilaabay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade