Allbanaadir.com
NEWS

Waalidiin Badan oo Farxad la Ilmeeyay markii ay arkeen Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay dalka Eritrea, waxa uuna dalkaasi u tagay sidii uu ugu kuurgali lahaa nolosha dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi tababar loogu qaaday.

Xasan Sheekh oo tagay xero ciidan ayaa lasoo kulmay qaar badan oo kamid ah dhallinyaradii tababarka loo geeyay dalka Eritrea, waxaana dhallinyaradaasi qaarkood ka muuqatay diif xoogan.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday qaar kamid ah dhallinyaradaasi ayaa waxaa wajiyadooda aqoonsaday waalidiintooda iyo ehelkooda oo warkooda la’aa, waxaana jira waalidiin badan oo farxad la ilmeeyay markii indhaha saareen wiilashooda.

Waalidiintan ayaana uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh dedaalka uu ugu jiro sidii wiilashaasi dalkooda dib loogu soo celin lahaa, waxa ayna mar kale ka codsadeen Madaxweynaha in deg deg wiilashooda ugu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo  xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan cududdooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan muuqooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo lagu celiyey mid ka mid ah Musharaxiintii uu u Magacaabay Aqalka sare

Caydiid Ali

Amiirka dalka Qatar warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Doodishe (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Soomaaliya iyo wax lagu qabanayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---