Maamulka Somaliland ayaa beeniyey War uu baahiyey Wargeyska the Times of Israel oo sheegay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid) uu ka qeyb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidan u qornaa:-
Wararka beenta ah ee laga sheegayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL.
Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen wargaysa in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.
Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiggu JSL Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) waxa uu Mudooyinkii u dambeeyay ka Shaqaynayay hawlaha Qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudada 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada Xuska maalinta Qaran ee 18may.
Wararka noocaan ah waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka JSL lagu waxyeeleeyo