Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Shacab careysan oo qarka u saaran iney galaan qasriga Madaxweyne Fernandez

Madaxweynaha dalka Argentina Alberto Fernandez ayaa qarka u saaran in loogu daato xaruntiisa madaxtooyada ka dib markii kummaan muddahaaradeyaal ahi ay soo buuxiyeen hareeraha qasriga dalkaas looga taliyo.

Dadkan isugu soo baxay caasimadda Buenos Aires ayaa ka caraysan sicir bararka iyo nolol xumada xarkaha goosatay ee dalkaas ka jirta.

Madaxweynaha oo dadkan gedoodsan la hadlay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dalka, isagoo balan-qaaday inuu ku dedaalo wax ka qabashada cabashada shacabka.

Boqolaal Ciidamo dheeri ah ayaa la geeyey qasriga Maadaxtooyada magaalada Buenos Aires si ay uga hor tagaan hadii dibed bnaxyaashu isku dayaan iney galaan qasriga ama ay rabshado dhacaan.

Dalkan Koonfurta Ameerika ku yaalla oo ah soo saaraha ugu weyn ee galleyda ayaa la daalaa dhacaya sicir barar, cadaadis weyn oo saaran lacagta peso iyo kororka kharashyada soo dejinta gaaska.

Argentina, oo muddo tobanaan sano ah ku dhex wareegaysay qalalaaso dhaqaale, ayaa heshiis deyn ah oo dhan $44bn la gashay Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF horraantii sanadkan si ay u bedesho barnaamij fashilmay 2018.

Related posts

Uhuru Kenyatta oo amar siiyay qaar kamid ah Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Xamse ku soo arkay Mallka ugu weyn ganacsiga Soomaalida Islii

Caydiid Ali
Taboola Ads ---