Allbanaadir.com
NEWS

Jinsiyada dalka Masar oo lagu heli karo in Lacag la dhigto Bangiyada dalkaasi

Baarlamaanka dalka Masar ayaa dood dheer kadib shalay meel mariyay sharci muran badan dhaliyay oo ku aadan sida dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkaasi ku heli karaan Jinsiyada Dalkaasi.

Baarlamaanka ayaa  ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaado Masar.

Xeerkaan ay meel mariyeen Baarlamaanka dalka Masar ayaa  u baahan inuu saxiixo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi, waxaana uu noqon doona mid hirgala sharcigan hadii uu Madaxweynaha saxiixo.

Haitham el-Hariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Masar ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada dalka Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.

Xeerkan ayaa qeylo-dhaan xoog leh ka dhax dhaliyay gudaha baarlamaanka dalka iyo sidoo kale baraha bulshada, waxaana dadka ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan xeerkan la meel mariyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/YX7QRq28heU

 

Related posts

Halkee buu marayaa dhaqdhaqaaqa dowladu kaga hortegeyso Shirkadda DP World?

Caydiid Ali

Boqor Burhaan oo ka hadlay Khilaafka Doorashada iyo kulan uu la qaatay Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Cabdi Cade

Soomaaliya oo jago sare ka raadineysa IGAD iyo Wasiirkii hore Arimaha Dibada oo ..

admin
Taboola Ads ---