Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa maanta xaafada Gubta gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku dilay taliyihii ciidanka booliiska ee Waaxdaasi, halka askari kalana uu dhaawac u geestay.
Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo sargaalka la dilay ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf, waxaana askariga uu rasaas huwiyay taliyihiisa iyo askari kale oo la joogay.
Askariga ayaa dhoor xabadood ku dhuftay taliyihiisa booliiska Waaxda Barwaaqo oo magaciisa lagu soo koobay Calas, waxaa sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliiska.
Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay xilli uu isku dayya in uu baxsado, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in sargaalka la dilay iyo askariga dilka geestay ka dhaxeesay wada shaqeyn dhaw.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com